Midowga Musharaxiinta Oo Ka Shiray Marxalada Siyaasadeed Ee Dalka

0

Waxa xalay magalada muqdisho shir ugu qabsoomay midowga musharixiinta kaas oo ay ugu hadleen arimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladaha guud ee dalka sida dardargalinta doorshada aqalka sare oo hada mareyso meel gabo gabo ah  iyo tan  golaha shacab oo goordhaw laguda galayo.

Shirkaan oo ay  intooda badan ay soo xaadireen musharixiinta ayaa waxa shir guddoominayay  madaxweynayaashii hore ee dalka xasan shikh maxamuud iyo shiikh shariif shiikh ahmed

Waxaaana shirka ay midowga musharaxiintu diirada ku saareen arimo ay ka mid yihiin dagaalada hada ka soo cusboonaaday deegano ka tirsan mamulka galmudug una dhaxeeya kooxda Ahlusuna iyo Maamulka Galmudug oo garabsaya ciidamada Dowladda

Shirka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday raafka ay maamulka somaliland ku sameeyeen inka badan 700 qofood oo intooda badan ay ahaayeen  caruur iyo haween kuna dhaqnaa magalada laascaanood ee gobolka sool  kana soo jeday koonfurta Soomaaliya

Waxaana ay midowga musharixiintu ku baaqeen in Dadkaasi masaakiinta ah  la gaarsiiyo deeqo iyo Wax ay hooy ka dhigtaan

Dhinaca kalena warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamayay in midowga mushatixiinta uu kulankooda Ujeedkiisa Ugu weyn uu ahaa in xilkii  uu u hayay madaxweynahii hore ee dowladii ku meel gaar ka ah shiikh shariif shiikh ahmed mid uu ku dal banayay in laga badalo oo midowga musharaxiintu hogaan cusub ay doortaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here