Xukuumadda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka Oo ka Wada hadlay Saameynta Covid-19

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa  waxa uu aaladda fogaan aragga uga qeybgalay kulan muhiim ah, kaasi oo uu la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem.

“ waxa aan kulan muhiim ah oo ay natiijo ka soo baxday la qaatay Madaxda sare ee Bangiga Adduunka oo uu ugu sareeyo Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem iyo shaqaalaha la shaqeeya.

Waxa aan diiradda saarnay dhameystirka hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo sidii socoshada taageerada Bangiga Adduunka ee wax ka qabashada saameynta COVID-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo Masiibooyinka dabiiciga ah ee goboladeena qaar ka dhaca”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Somaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu saameynta xoogan ku yeeshay cudurka Covid-19

Waxaana haatan si aad ah dalka looga dareemayaa wajigii sadaxaad ee cudurka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here