Kooxo Hubeysan Oo Dil Ka Geystay Muqdisho

0

Warar dheeraad  ah ayaa laga helayaa weerar lagu dilay sarkaal katirsanaa ciidamada melleteriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir ku dilay sarkaal magaciisa loosoo gaabiyay Kabtan Cabdi Macallin.

Waxaana la sheegay in dilka kadib ay goobra iskaga baxsadeen ragii hubeysan ee dilka ugeystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan,waxaana wararka al-shabaab ay ku baahiyaan dhinaca interneetka ku sheegteen in weerarkan dilkan ah oo ka dhacay xaafadda Abagado ay geysteen xoogag hubaysan oo ka tirsan dagaalamayaasha  Al-shabaab islamarkaasna ay si nabad ah goobta uga baxsadeen

Al-shabaab ay guulo ka sheegtay weeraro sidaan oo kale oo ay la beegsadeen masuuliyiin iyo ciidamo ka tirsan dowladda

Waxaana arintaan ay kusoo aadeysa xili dalku xaalad adag oo khilaaf ah uu ku jiro

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here