Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar lagu dilay sarkaal katirsanaa ciidamada melleteriga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warar ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir ku dilay sarkaal magaciisa loosoo gaabiyay Kabtan Cabdi Macallin.
Waxaana la sheegay in dilka kadib ay goobra iskaga baxsadeen ragii hubeysan ee dilka ugeystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan,waxaana wararka al-shabaab ay ku baahiyaan dhinaca interneetka ku sheegteen in weerarkan dilkan ah oo ka dhacay xaafadda Abagado ay geysteen xoogag hubaysan oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab islamarkaasna ay si nabad ah goobta uga baxsadeen
Al-shabaab ay guulo ka sheegtay weeraro sidaan oo kale oo ay la beegsadeen masuuliyiin iyo ciidamo ka tirsan dowladda
Waxaana arintaan ay kusoo aadeysa xili dalku xaalad adag oo khilaaf ah uu ku jiro

