Maamulka puntland ayaa waxa uu sheegay in khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Wasaare Rooble ay xalinayaan maalmaga soo socda
Masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland ayaa waxa ay markii ugu horeysay shaaca ka qaadeen in khilaafka udhexeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka lagu xalinayo magaalada garoowe
Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame ayaa waxa uu sheegay in gogosha taal magaalada garoowe lagu soo afjarayto khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeyaha madaxda dalka
“Dastuur-jebin, horu-socod la’aan doorasho, khilaaf jiitama una dhexeeya madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday iyo Ra’iisul wasaare xil-gaarsiin ah waxay xaajadoodu ku dhammaataa loogana xalliyaa caasimadda Puntland ee Garoowe” Wasiir Cabdi Ibraahim Warsame
Hadalkaan ayaa waxa uu imaanaya xili dhowaan loo balansayahay in magaalada garoowe uu shir uga furmo madaxda dowlad goboleedyada dalka shirkaasi oo lagu wado in uu si rasmi ah u furmo 21 ilaa 23 bishaan
Waxaana puntland hada ay sheegtay in fursadaasi looga faaiideysanayo in lagu xaliyo khilaafka madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha dalka

