Degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud waxaa saakay dib uga qarxay Dagaal u dhexeeya Beello Walaalo ah oo halkaasi wada daga.
dagaalkaan ayaa waxa uusoo bilowday shalay kadib markii aano qabiil loo dilay qof vka mid ahaa dadka deegaanka
intaasi Wixii ka dambeeyay waxa bilowday dagaal xoogan oo faraha laiskaga gubtay kaasi oo dhaliyay khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
saacado badan dagaalkaasi markii uu qaatay kadib uu istaagay ,waxaana ku baxay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo wasiiro ah
wararka ayaana sheegaya in labada beelood ee ku dagaalamayay deegaanka xanan buure kala dhaxgalay islamarkaasna ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta galmudug la geeyay goobta lagu dagaalamay xaaladana la sheegay in ay dagneyd
iyadoo ay sidaasi jirto ayaa waxa wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka xanan buure uu marakale dagaalku bilowday

