Doorashada Aqalka Sare Ee Hirshabeele Oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

0

Waxaa lagu wada in maanta magaalada jowhar ay ka bilaabato doorashada kuraasta ugu dambeysa ee aqalka sare uu ku leeyahay maamulka hirshabeele

maanta ayaa la filayaa in lasoo afjaro doorshada jowhar waxaana maanta la dooranayaa ilaa  sadax ka mid ah kuraasta aqalka sare ee hirshabeele

xalay waxa magaalada howhar lagu doortay hal kursi kadib markii buuq farabadan oo hareeyay doorashada iyadoona gacan ka hadal iyo layrarka hoolka oo la damiyay ay sababtay in lagu kala tago

Guddoomiyaha barlamaanka hirshabeele ayaana sheegay in talaabo ay ka qaadi doonan xildhibaanadii xalay buuqa ka sameeyay doorashada maamulka hirshabeele

waxaana uu sheegay in sharciga wax uu qabo la marsiinayo xildhibaanada is hor istaaga ku samneeyay doorshadii ka dhici laheyd magaalada jowhar

kuraasta doorashadoodu ay buuqa ka taagantahay ayaa waxa la sheegay in ay yihiin kuwa musharaxiinta reer hiiraan

Waxaana la tilmaamay in ugu dambeeyn maanta lasoo gabagabeynayo doorashada maamulka hirshabeele oo markii hore si nabad ah ku bilaabatay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here