Dabley hubeysan ayaa waxa lagu soo waramayaan in askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ay ku dileen Deegaan duleedka ka ah degmada deyniile
Warar ayaa sheegaya in dilkaani ay geysteen rag bastoolado ku hubeysan oo ka tirsan dagaalamayasha al-shabaab
Waxaana la sheegay in dilka kadib ay goobta iskag baxsadeen dalbeydii ka dambeeysay dilka askariga
alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka askarigaan waxaana ay warar dhica intarneetka ku baahiyeen ku sheegteen in weerar xoogan oo ka dhacay deegaanka Ceelsaqiir ee duleedka degmada Dayniile ay ku dileen askari ka tirsan ciidamada dowladda
Waxaana dagaalamayaasha Al Shabaab ay sheegteen in askari ay ka furteen qori AK47 ah iyo booshkiisa.

