Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Taliyaasha Ciidamada Dowladda

0

Madaxweynaha mudda xileedkiisu uu dhamaaday maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa waxa uu kulan la qaatay dhamaan taliyaasha ciidanka qalabka sida ee dalka

Waxaana uu kala hadlay xaalada uu dalku marayo iyo sidii loo xaqiijin lahaa amniga xiligaan lagu jiro kala guurka

kulanka waxa goob joog ahaa ama ka qeyb galay dhamaan taliyaasha ciidamada sida taliyaha taliyaha Guud ciidanka qaranka, taliyaha guud ee ciidanka booliska iyo kan booliska gobolka banaadir taliyaha ciidanka asluubta, taliyaha cusub ee Raiisul wasaare rooble umagacaabay Ha,ada nabad sugida qaranka ee Nisa Bashiir goobe iyo masuuliyiin kale

kulankaan ayaa yimid kadib markii Raiisul wasaare rooble uu xilkii ka qaaday agaasimihii ha,ada nabad sugida qaranka fahad yaasiin islamarkaasna uu kasoo horjeestay xil kaqaadistaasi

Madaxweyne farmaajo kulanka uu la yeeshay taliayaasha ciidanka Waxaa kaga sii horeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ilaa iyo shalay  kulamo la qaatay  taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ee dalka oo uu kala hadlay xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada dagaallanka argagixisada.

Xaalada guud ee dalka ayaa kacsan iyadoona ay muuqato in madaxda dalku ay ku loolamayaan talada dalka

Waxaana jirta in aritaan ka dib ay madaxda maamul goboleedyadu ay la kala safteen madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha oo khilaafkooda dibada iskeenay

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here