Askari Katirsan Ciidamada Dowladda Oo Lagu Dilay Muqdisho

0

Dabley hubeysan ayaa waxa lagu soo waramayaan in askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ay ku dileen Deegaan duleedka ka ah degmada deyniile

Warar ayaa sheegaya in dilkaani ay geysteen rag bastoolado ku hubeysan oo ka tirsan dagaalamayasha al-shabaab

Waxaana la sheegay in dilka kadib ay goobta iskag baxsadeen dalbeydii ka dambeeysay dilka askariga

alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka askarigaan waxaana ay warar dhica intarneetka ku baahiyeen ku sheegteen in weerar xoogan oo ka dhacay deegaanka Ceelsaqiir ee duleedka degmada Dayniile ay ku dileen askari ka tirsan ciidamada dowladda

Waxaana dagaalamayaasha  Al Shabaab ay sheegteen in askari ay ka furteen qori AK47 ah iyo booshkiisa.

Dhowr jeer sidaan oo kale alshabaab ayaa  guulo ka sheegtay weeraro lagu dilay masuuliyiin iyo askar ka tirsan dowladda
waxaana weerarkaan uu kusoo aadayaa xili habeen hore qeybo ka tirsan degmada deyniile ay isku rasaaseeyeen dabley hubeysan oo aan heybtooda la garanayn iyo ciidamada dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here