Iyadoo Saacadihii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah magaalada baladweyne lagu afduubtay dad aqoonyahano ah oo ku heyb ah taliyaha Nabad sugiga Qaranka ayaa waxa laga digay in layareysto xiisada ka dhalatay dilkii ikraan tahaliil ee ka taagan gobolka hiiraan
Qaar kamid ah waxgaradka gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu soo daynayo dad lagu afduubtay magaalada baladweyne
Waxaana ay dowladda ugu baaqeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabto kiiska ikraan tahaliil iyo xiisada ka dhalatay
Mid ka mid ah wax garadka Gobolka hiiraan oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu ka hadlay dadaalada ay ugu jiraan soo deynta dad aqoonyahano ah oo loo afduubtay dilka ikraan tahaliil lagu tuhmayo in ay ku baxday gacanta taliyaha ciidanka nabad sugida fahad yaasiin xaaji daahir
Waxaana uu sheegay in dhibaatooyin iyo cawaaqib xumo ay ka dhalakaro xiisadaan islamarkaasna madaxda dowladda ka dalbaday in inta ay goorgoortay ay gabadhaas cadaaladeeda usoo dhiciyaan
Nabadoonka ayaa intaasi ku daray in markii ay la fariisteen dhinacyada wax afduubtay ay usheegeen in afduubashada dhalinyaradaan ay ku kaliftay cadaalad xumo ay ka tabanayaan dowladda oo ilaa iyo hada ka aamusan
Dhankale Nabadoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in dhibaato walba oo gobolka hiiraan ay u horseedo xiisada ka dhalatay ikraan ay masuuliyadeeda qaadeyso Dowladda
arintaan ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili saacadiihii aan soo dhaafnay ay circa isku shareertay xiisada ka dhalatay dilkii hay,ada nisa ay sheegtay in loo geystay ikraan tahaliil faarax oo ka tirsanayn isla hay,adaasi

