Ciidamada amniga ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga saakay waxay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Jowhar gaar ahaan Xaafadda Hanti-wadaag oo xalay weerar bam loo adeegsaday uu ka dhacay.
Ciidammada ammaanka ayaa sameeyay baaritaanka, waxayna saaraakiisha hoggaamineysay howlgalka ay sheegeen inuu u dhacay sidii loogu talagalay, islamarkaana ciidamada amniga si wanaagsan ula dhaqmeen dadka deegaanka.
wararka aan ka helayno degmada jowhar ayaa intaasi ku daraya in howlgaladaan lagu soo qabqabtay dad dhilinyaro u badan kuwaasi oo qaarkood lasii daayay halka kuwa kalana baarintaano dheeri ah lasheegay in lagu sameeynayo
Magaalada Jowhar ayaa dhawaan martigelineysa doorashada xildhibaanada golaha Aqalka sare ku matali doona maamulka Hirshabeelle.

