Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saacadii lasoo dhaafay ka dhacay degmo ka tirsan Gobolka Gedo ee koonfurta soomaaliya
Dagaalkaan ayaa waxa uu ahaa min saacado qaatay islamarkaasna laisku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan
Waxaana uu yimid kadib markii xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen garoobka diyaaradaha degmada baardheere ee gobolka gedo ,Iyadoona dagaalku uu udhexyay ciidamada itoobiya iyo Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab
Ila degaanka ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ay maqlayeen daryanka rasassasta culus oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac balse aysan xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay dagaalkaani
Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaan waxa ay sheegeen in khasaare ay ku gaarsiiyeen ciidamada itoobiya
Al-shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca interneetka ayaa waxa ay shegeen in xubno ka tirsan ay ku dagaallo culus saacadihii lasoo dhaafay ciidamo itoobiyaan ah oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha macmaalka ah degmada baardheere ee gobolka gedo
Gegada diyaaradaha macmalka degmada Baardheere ee Gedo waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada al-shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka gedo ayaa lagu yiri warkasoo baxay al-shabaab
Al-shabab si rasmi ah ugama hadlin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka balse waxa ay tilmaameen in uu jiro qasaaro
Manajiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka amisom oo looga hadlayo dagaalkaan iyo sheegashada alshabaab

