Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi siyaasiyiin ah kuwaasi oo ka qeyb gali doona shirar ka socda Magaalada Beledweyne.
Siyaasiyiinta Gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Maanta waxaa kamid ah Gudoomiyaha Hore ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho maxamud axmed Nuur Tarsan.
Waxaa Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay siyaasiyiinta iyo xildhibaano ka Tirsan baarlamanka soomaliya oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Magaalada Beledweyne waxaa ka socda shir loogu hadlaayo aayaha Gobolka Hiiraan kadib markii odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ay ka baxeyn wajiga Labaad ee shirka Maamulka u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe ee Jowhar ka Furnaa.

