Maamulka ahlusuna waljameeca ee Gobolka Dhexe ayaa xir-xiray ganacsato lahaa shirkado bixiya Korontada oo ku yaalay Gudaha degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud
Qof kamid ah dadka deegaanka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo la hadashay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ay Sheegtay in ciidamada ahlusuna ay ganacsataan ay xireen kuwaasi oo lahaa shirkado bixiya korontada oo ku yaalay Gudaha degmada Guriceel. Kadib markii ay kasoo horjeysteen lacago ay ahlusuna ay ku sheegeen in ay tahay canshuur.
Ganacsatada ayaa la sheegay in ay diideen bixinta lacagaha lagu sheegay canshuurta taasi oo keentay in ciidamada ahlusuna ay xabsiga dhigaan ganacsataan kasoo horjeesatay bixinta lacagaha canshuurta.
Ma Jiro Mas’uul ka tirsan ahlusuna oo ka hadlay arintaan maanta ka dhacday Gudaha degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.

