Magaalada London ee xarunta ingiriiska ayaa maanta waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo xukun ay maxkamada dalka ingiriiska ay ku riday saddex muwaadin oo dalka ingiriiska u dhashay .
Saddexda ruux ee lagu riday xukunka ayaa lagu helay in ay tooreeyeen muwaadin soomaaliyeed oo da,diisu lagu sheegay 24 sano jir, kaasi oo kasoo caray somaaliya looguna qaabilay qaab qaxooti ahaan ah dalka ingiriiska.
Muwaadinka soomaaliyeed ayaa saddexdaan dhalin yaro ee lagu kala magacaabo Ahmed Hajila, oo 20 sano jir ah , walaalkiis oo lagu magacaabo Aymen Hajila, oo jira 18 sano iyo Rehan Ullah oo 18 sano jir ah saaxiibna la ah labaadi wiil ay ku weerareen wadada churge street ee kutaala magaalada kingiston ee dalka ingiriiska.
Ilaa iyo 30 jeer ayaa la tooreeyey dhibanahaasi soomaaliyeed sida ay xaqiijiyeen booliska kingiston ee dalka ingiriiska.
Qaadiga xukumay dhalinyaradaan oo lagu magacaabo Raffaele D’Orsi ayaa sheegay in Ahmed Hajila, oo 20 sano jir ah lagu xukumay xabsi daa,in halka Aymen Hajila, oo jira 18 sano lagu xukmay 5 sano oo xariga ah , ugu dambeeyn Rehan Ullah oo 18 sano jir ayaa isagana ay maxkamada ingiriiska ku riday xarig dhan 8 sano.
Wargeyska dailymail ee kasoo baxa ingiriiska ayaa la kulmay qaar ka mida ah ehelada ragaan la xukumay xili ay dhigayeen dibad baxyo waxaana ay u sheegeen in aysan ku qanac saneen sida uu u dhacay xukunka lagu riday wiilashooda.

