Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Dalab Hordhigay Mahdi Guuleed Iyo Cabdi Xaashi

0

Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay cidda sida rasmiga ah usoo xuleysa musharaxiinta utartamaya kuraasta gobolada waqooyi ee aqalka sare

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si cad u sheegay in masuuliyada soo xulista ay leeyihiin raiisul wasaare ku xigeenka dalka mahdi guuleed iyo gudoomiyaha aqalka sare cabdi xaashi Cabdulaahi

Waxaana uu hordhigay dalab ah in ay ka shaqeeyaan sidii loo dajin lahaa xaalada islamrkaasna loo baahanahay in ay qeybtooda ka qaataan sidii doorashada aqalka sare iyo mida golaga shacabka ay ugu dhici laheyd si nabdoon

Ra’iisul Wasaare rooble  ayaa waxa uu sheegay in liiska musharaxiinta ay soo saaraan uu hubinayo islamarkaasna uu ka codsanayo in ay xaalada caadi ka dhigaan

Muddoyiinkii ugu dambeeyay ayaa waxa muran xoogan iyo isjiid jiid waxa uu ka jiray xildhibaanada gobolada waqooyi oo la kala safan cabdi xaashi iyo mahdi guuled qadar

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here