Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya iyo Dowladda Qadar oo kulan yeeshay ayaa waxa ay kawada hadleen arimo badan oo kusaabsan xiriirka labada dal
Kulanka wasiirada ayaa waxa uu ahaa mid ay kuwada hadleen qadka taleefanka waxaana ay si gaar ah uga wada sheekeysteen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee qadar iyo soomaaliya si gaar ah masuuliyiintu waxa ay uga wada hadleen iskaashiga arimaha amniga iyo siyaasada
Wasiirka arimaha dibada soomaaliya maxamed cabdirisaaq ayaa dhiisa wadanka qadan uu u gudbiyay codsi ku aadan in kalfadhiga 155 ee kulan wasiirada jaamacada carabta oo ay shir gudoonkeeda leedahay Dowladda Qadar
Waxaana uu ka dalbaday in halkaasi dowladda qadar ay ka doonayaan in ay kusoo bandhigto fayl soomaaliya si looga hadlo arimaha amniga iyo siyaasada soomaaliya
Wasiirka arimaha dibada ee qadar ayaa la tilmamay in dhankiisa uu qiray in muhiim ay tahay xoojnta laba dal iyo ka wada arimaha siyaasada iyo amniga
Dowladda Qadar ayaa soomaaliya ayaa dhinacyo badan ka taageerta waxaana ay ku leedahay saameyn togan iyo mid taban
Waxaana ay dhowr jeer ay soomaaliya ka caawisay arimaha tabarka ciidamada,caafimaad iyo arimaha doorshooyinka

