Xiisad Dagaal Oo Maanta Ka Taagan Waqooyi Baladweyne

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya  xiisad dagaal oo maantay ka taagan waqooyi magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan

Xiisadaan ayaa waxa ay udhexeysaana laba maleeshiyada beeleed oo saacado ka hor ku dagaalamay  deegaan kabxanleey oo qiyaastii 40 km ujirta baladweyne

Labada maleeshiya beeleed ayaa hada isku horfadhoya deegaanka
Waxaana laga cabsi qabaaan in halkaasi markale uu ka qarxo dagaal udhexeya labada beelood

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku guuldareystay joojinta dagaal beelahaan ku dagaalamaya waqooyiga magaalada baladweyne

Warar hoose oo ay heshay idaacada simba ayaa sheegaya in haatan ay labada beelood ay isku hub aruursanayaan islamarkaasna ay soo kala gaarayaan ciidamo gurmad ah

Mid ka mid ah Maleeshiyaadka ku dagaalamaya Deegaanka kabxanleey oo la hadlay simba ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii dhacay saacadihii ugu dambeeyay uu qasaare kala duwan dhaliyay balse aysan jirin wax qasaare ah oo dhankooda soo gaaray

Dhankale xubintaan kamid ah maleeshiyadaadka ku dagaamaya hiiraan ayaa waxa uu tilmaamay in aysan jirin wax wanwaan ah oo laga wado labada beelood taasi oo lagu heshiisiinayo ama lagu joojinayo dagaalka isagoo sheegay in maamulka gobolka hiiraan uu ka gaabiyay joojinta dagaalkaan wali laisku midiya afeysanayo

Dhinaca kale garabkale ee beelaha dagaalamaya oo aan la xariirnay ayaysan noo suurtagalin in qadka taleefanka ku haleelno

Beelaha ku dagaalamaya gobolka hiiraan ayaa waxa ka dhexeya muran la xariira dhulbeereed

Waxaana eeda ugu weyn ee dagaalkaan loo jeedinayaan maamulka gobolka hiiraan oo lagu eedeeyay in ay indhaha ka daawanayaan dhiiga ay beeluhu ay iskaga daadinayaan meel magaalada baladweyne

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here