Dhageyso:- Maamulka Ahlusuna oo Degmada Guriceel ku Xir Xiray Ganacsato

0

Maamulka ahlusuna waljameeca ee Gobolka Dhexe ayaa xir-xiray ganacsato lahaa shirkado bixiya Korontada oo ku yaalay Gudaha  degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud

Qof kamid ah dadka deegaanka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo la hadashay  idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ay Sheegtay in ciidamada ahlusuna  ay ganacsataan ay xireen kuwaasi oo lahaa shirkado bixiya korontada oo ku yaalay Gudaha degmada Guriceel. Kadib markii ay kasoo horjeysteen lacago ay ahlusuna ay ku sheegeen in ay tahay canshuur.

Ganacsatada ayaa la sheegay in ay diideen bixinta lacagaha lagu sheegay canshuurta taasi oo keentay in ciidamada ahlusuna ay xabsiga dhigaan ganacsataan kasoo horjeesatay bixinta lacagaha canshuurta.

Ma Jiro Mas’uul ka tirsan ahlusuna oo ka hadlay arintaan maanta ka dhacday Gudaha degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here