Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa askar Katirsan Dowladda oo lagu dilay degmada kaaraan
Raga Dilka Geystay ayaa waxa la sheegay inay bastoolado ku hubeysnaayeen islamarkaasna ay ahaayeen xubno ka tirsanaa dagaalamasha Al-Shabaab
Askarta la dilay ayaa waxa ay tira ahaan gaarayaan ilaa iyo laba askari kuwaasi oo la tilmaamay in siweyn looga yaqiinay guadaha degmada islamarkaasna ay in muddo ah ka shaqeynayeen Degmadaasi
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in askartaan saacado ka hor lagu dilay Degmada Kaaraan lagu kala magacaabo <span;>Axmadeey Gadaf iyo Sakariye Cali Aadan
Sidookale wararku waxa ay sheegyaan in raga dilka geystay ay goobta iskaga baxsadeen marka laga reebo meydka nin la sheehay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab oo laga qaaday goobta uu dilku ka dhacay
Ciidamada Dowladda ayaa intaasi kadib waxa la sheegay in ay goobta ka qaadeen meydka askarta la dilay iyadoona loo qaaday dhanka xunta ciidanka dambi baarista ee CIDa
Degmada Kaaraan qeybo ka mid ah waxa lagu soo waramayaa in ay ka socdaan howlgalo balaaran oo lagu baadi goobayo xubnihii dilka geystay Islamarkaasna la sheegay in Howlgaladaan ay qeyb ka tahay sugida amniga Degmada

