Dowladda Oo Shaacisay Tirada Dad Badan Oo Laga Helay Cudurka Covid-19

0

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Faderaalka Soomaaliya ayaa waxa ay shaacisay xaaladihii ugu dambeeyay caabuqa karona virus ee dalka la helay

Waxaaana ay sheegtay in 24 saac ee ugu dambaysay Cudurka COVID-19 guud ahaan wadanka Laga baaray dad gaaraya  1,171
Islamarkaasna waxa ay sheegtay in Laga Helay 97 Qof.
Deegaanada ay dadkaasi kala joogaan
Somaliland: 40
Puntland: 23
Banadir: 20
Jubaland: 11
Galmudug: 3
Lab: 40
Dhedig: 57
Bogsashada: 97
Dhimasho: 6(Banadir:2, Somaliland:2, Puntland:2)
Tirada Guud ee Laga Helay: 17,399
Bogsashada Guud: 8,460
Dhimashada Guud: 969

Wasaarada Caafimaadka ayaa si caadada aheyd waxa ay shacabka Soomaaliyeed uga digtay in ay yareystaan qatarta cudurkaan oo ay sheegtay in wajigii sadaxaan uu dalka fara ba,an ku hayo

Fowsiya abiikar nuur Wasiirka Caafimaadka xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa waxa ay dhankeeda waxa fartay dadka shacabka ah in ay qaadaan talaabooyinka looga hortayo cudurkaan sida in afsaabka la xirto iyo in laga fogaado goobaha saxamada badan leh iyo isku soo dhawaanshiyaha

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here