Warbaahinta Dowladda ayaa waxa goordhaweyd lagu soo bandhigay sawirka iyo xogta nin la sheegay in uu ahaa sarkaal sare oo katirsanaa dagaalamasha Al-Shabaab
Warka kasoo baxay Dowladda waxa lagu sheegay in sarkaalkaan uu Alshabaab u qaabilsanaa dhanka Caafimaadka Gobolka Galgaduud islamarkaasna uu isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada Federaalka.
Magaca sarkaalkaan waxa lagu sheegay Cali Ibraahim iyadoo dowladda ay shaacisay in ninkaan uu mudo dheer Alshabaab u qaabilsanaa Caafimaadka Gobolka Galgaduud haatana uu isku soo dhiibay Ciidamada Gorgor ee Galmudug ka howlgala kadib markii sida uu sheegay uu ku qanci waayay dhibaatada alshabaab
Sidookale warka lagu daabacay warbaahinta Dowladda waxa lagu sheegay in Cali Ibraahim oo ka yimid Ceelbuur uu xalay saqdii dhexe iska soo dhiibey Deegaanada hoostaga Dhuusamareeb.
Dhowr jeer oo hore sidaan oo kale dowladda ayaa soo bandhigtay shaqsiyaad ay tilmaantay in ay kaga yimaadeen dhanka Al-Shabaab islamarkaasna ay Iskusoo dhiibeen ciidanka Dowladda

