Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo Maanta Ku Wajahan Dhuusamareeb

0

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, Mohamed ibrahim Barre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Galmudug.

Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Galmudug oo ka kooban 7 xubnood ayaa goobjoog unoqon doona Doorashada Aqalka sare ee senitorada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka bilaabmi doonta Dhuusa-Mareeb.

Horay Maamul Goboleedyada qaar ee dalka ayaa waxa ay uqabteen doorashada aqalka sare iyadoona haatan Maamulka Galmudug lagu sugayo in uu qaado talaabo caynkaasi islamarkaasna uu qabto doorashada aqalka sare ee Galmudug oo sanadkaan loo lan adag uu ka jiro

Xubno kasocda Dowladda iyo kuwa saaxiibada soomaaliya ee daneeya arimaha dalka ayaa dhankooda goobjoog ka noqon doona sida ay udhaceyso doorashadu iyadoo ladoonayo in la qabto Doorasho hufan oo xor iyo xalal ah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here