Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qasaare kala duwan geystay oo Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed lagu la beegsday deegaan ka tirsan gobolka bakool
Wararka ayaa sheegaya in weerarkaan uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamasha Al-Shabaab ayaa weerar la eegtee ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed xili ay socdaan kumarayeen deegaan duleedka ka ah degmada waajid
Waxaana lagu soo waramayaan in dagaal culus ui halkaasi ka qaraxay
Al-Shabaab warar ay dhinaca baraha intarneetka ku baahiyaan ku sheegteen in weerar ay ku dileen shan askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Koonfur galbeed oo weerar dhaba gal ah ay kula beegsadeen deegaanka Garas Shinbiroow oo 7Km ujira Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool
Warka kasoo baxay alshabaab ayaa intaas ku daraya in ciidamo Itoobiyaan ah oo gurmad ahaan uga amba baxay Waajid ay iyana qaraxyo iyo weeraro jidgal ah la beegsadeen iyagoona sheegay in ay gaarsiiyeen Khasaara lixaad leh.

