Madaxweynaha Maamulka Puntland saciid Cabdulaahi Dani ayaa waxaa la filyaa in maanta uu si rasmi ah ugu dhawaaqo xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Dowlad Goboleed Puntland
Madaxweyne Dani ayaa la sheegay in xalay iyo saakay uu waday kulamo kala duwan oo uu kusoo saarayo liiska xubnaha Aqalka Sare Ee Puntland
Warar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland lagu in saacadaha soo socda uu musharaxiinta utartamaeysa aqalka uu ugudbiyo guddiga doorashooyinka si ay iyaguna u qabtaan doorashada lagu kala baxayo Ee Aqalka Sare
Dhankale Madaxweynaha dowlad goboleed Galmudug Axmed Abdi Kaariye Qoor Qoor Ayaa isna lagu wadaa in goordhaw shaaciyo xubnaha musharaxiinta Aqalka Sare ee dowlad goboleedka galmudug ku matalaysa Aqalka Sare
Madaxweyne qoor qoor ayaa waxa la sheegay in uu si aad ah ugu wareeersayahay soo xulusta xubnaha musharaxiinta Aqalka Sare ee Galmudug Islamarkaasna ay jiraan Cadaadisyo kala duwan oo uu kala kulmayo Dowladda Dhexe iyo Xubnaha mucaaradka kuwaasi oo dhamaantood doonaya in uu soo baxo musharax ku aragti ah
Madaxweynaha Qoor Qoor ayaa sidookale waxaa aad u kulaalaya waqtiga iyadoona uu maata oo kaliya uu fursad uheysto in uusoo magacaabo hadii kalana ay noqon doonto in dib dhacyo ku noqoto doorashada Aqalka Sare Oo si dardarleh Dalka Uga bilaabatay

