Qoraal war-gelin ah oo ka soo baxay guddiga doorashooyinka qaranka ee heer federaal ayaa lagu shaaciyey in maanta oo Sabti ah 7-da Agoosto la qaban doono doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada Somaliland.
Doorashada ayaa 11:00 AM eev barqonimada maanta ka dhici doonta teendhada Afisyooni iyadoo lagu casuumay warbaahinta iyo daneeyayaasha
Doorashada Guddoonka Guddiga Maamulka doorashadda kuraasta labada aqal ee Somaliland waxa lagu qabanayaa Teendhada Afisiyoone , Sabti 10:00 Am, oo ku beegan 7-Aug-2021.
Waxa lagu casuumayaa Saxaafada, Hay-adaha Dawladda, Ururada Bulshada Rayidka, Gudiyada Doorashada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal
Qaarka mid ah xubnaha Guddoonka aqalka ayaa shaaciyay in aysan maanta ka qeyb galidoonin doorashada dhaceysa
Waxaana ay sheegeen in marka hore loo baahanayahay in khilaafaadka jira in lasoo xaliyo

