Golaha Watashiga Qaran Oo Shir Muhiim Ah Ka Yeeshay Arimaha Doorashooyinka

0

Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wadahadlay dardargalinta howlaha doorashooyinka Dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Woqooyi ee Soomaaliland iyadoo goluhu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Soomaaliland oo Maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hoggaankooda.

Golaha ayaa sila gartay in loo baahanyahay in ladadajiyo arimaha doorshooyinka aqalka sare oo dalka dhawaan ka bilowday ,waxaana raiisul wasaare maxamed xuseen rooble uu dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo baahanayhay in maamulada dhiman ay ku dhameystiraan doorshada aqalka sare

Sidookale Raiisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in la burburiyay guddiga doorashooyinka gobolada waqooyi oo uu muran xoogan ka taagnaa Waxaana uu sheegay in dhawaan la qaban doono doorashadoo goobta lagu qabanaya ay dib ka soo sheegi doonan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here