Maamulka puntland ayaa ku guulustay joojinta dagaal beeleed ka soconayay deegaanka Saaxmaygaag iyadoona si rasmi ah uu maamulku u kala qaaday labada maleeshiya beeleed ee deegaanka isku horfadhiyay
Masuuliyiin ka tirsan puntland ayaa gaaray goobta lagu dagaalamay waxaana ay sheegeen In la fulinayo amarkasoo baxay dowlad goboleedka puntland islamarkaasna in arintaan inta laga xalinayo aysan jirin cid waxtalaabo ah qaadi karta
Masuuliyiinta ayaa iyaga oo kaa shanaya odayaasha dhaqanka ay sheegeen in xal waara laga gaari doono colaada beelehani ku dagaalamayay deegaanka sax maygag
Dagaalka beelahani ayaa ahaa mid salka ku hayay arimo la xariir isqabqabsi dhul waxaana Labada ay beelood si rasmi ah u fuliyeen amar horay uga soo baxay maamulka puntland oo ku aadanaa in dhamaanba laga guuro dhulka laisku heysto
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa ayaa lageeyay deegaanka sax maygaag kaasi oo ah goobta ay ku dagaalamayeen labada beelood iyadoona ciidanka si gaar ah loogu xilsaaray in ay ilaaliyaan amaanka marka laga sootato labada dhinac ee la kala qaaday
Ugu dambeyn maamulka puntland ayaa amray in aan dhul deegaameysi aan laga sameeysan karin goobaha lagu muransanyahay

