Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ciidamada ay ku wajahanyihiin deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Koonfur Gobolka Mudug, si ay guud ahan deegaannada Koonfurta ugu saaraajn dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Taliyaha oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa yiri “Halkan aan maanta joogno waa magaalada Camaara oo aan shalay si toos ah u qabsanay, waxaana maanta isku fidinay guud ahaan Camaara, ciidanka xoogiisa waxaa ay u sii gudbeen deegaanka Caad”.
Jeneraal Biixi oo hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in dhagaha shacabka ay soo gaari doonto war farxad leh oo ku saabsan in al-shabaab ay ka wareegeen Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug,, isagoo xusay in al-shabaab dagaallo kaga socdaan gobollada Hiiraan, Shabaleellaha dhexe, kuwaasi oo qeyb ka ah sidii dalka looga saari lahaa Al-Shabaab.
“Qorshaheena labaad waxaa uu yahay oo aan ku wajahanahay in aan cadowga ka sifeyno Xarardheere, waxaana Ummadda Soomaaliyeed ay ku farxi doonaan kolkaan idinkala soo hadlo Xarardheere oo aan cadowga ka ciribtirno halkaas”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka.
tani ayaa kusoo aadeysa xili dagaalo dhowr ah oo udhexeya ciidamada dowladda iyo al-shabaab ay muddooyinkii dambe ka socdeen koonfurta gobolka mudug

