Ciidamada Qaranka Iyo kuwa Galmudug Oo Saaka La Wareegay Deegaano Horleh Oo Katirsan Koonfurta G/Mudug

0
iyadoo sacaadihii aan soo dhaafnay ay deeganka qeycad iyo deegaano hoosta degmada xarar dheere ay ka socdeen dagaalo iyo duqeymo culus oo ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishata maamulka Galmudug ayaa saakay waxa lagu soo waramayaan in ay la wareegeen deegaano cusub oo ay ku sugnaayeen al-shabaab.
Wasaarada amniga maamulka galmudug ayaa faahfaahin ka bixisay dagaaladii ugu dambeeyay oo al-shabaab ay kula galeen deegaano ka dhaca koonfurta gobolka mudug
Waxaana ay sheegtay In Ciidamada qaranka, kuwa Galmudug ay si buuxda saakay al-Shabaab kala wareegeen saldhigyadoodii maalmihii la soo dhaafay lagu la dagaalamayay.
Wasaarada ayaa waxa ay xustay in Qiyaastii 20 qori, raashin, qalab isgaarsiin iyo qalab kale ay al-shabaab kaga furteen dagaaladaasi.
sidookale wasaarada amniga galmudug ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay al-shabaab ka aruursanayaan hunka maadaama ay hubkoodi iskaga carareen.
Dagaalo iyo duqeymo isdaba joog ah ayaa ka bilowday deegaanada dhaca koonfurta iyadoona ilaa iyo hada wali ay dagaaladaasi taaganyihiin oo marba marka kasii dambeeysa ay sii cusub boonaanayaan islamarkaasna ay waji cusub yeelanayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here