Akhriso:- Xubno Kusoo Baxay Doorshada Aqalka Sare Ee Koonfur Galbeed

0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka socota doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya maamulkaas.

Samsam ibraahim Cali ayaa noqotey xildhibaankii ugu horeeyey Aqalka sare loo doortey koonfur galbeed 4 sano ee soo socota, iyadoona heshey 81-cod, waxaana la tartantay Shariifo oo heshay 4-cod halka ay xumaaday 7-cod oo ka mid ah cododka ladhiibtay ee doorashada.

Senator Samsam ayaa horay uga mid ahayd golaha Aqalka Sare ee waqtigooda dhammaaday, dib ayaana maanta loo doortay.

Dhankale Ayaan Aadan Cabdulaahi ayaa noqotay gabadhii 2-aad ee ku guuleysta kursiga 2-aad ee aqalka sare ee barlamaanka 11aad ee Dalka, doorashada ka socota magaalada Baydhabo.

Ayaan ayaa heshay Codad gaaraya 79 , Halka Farxiyo Nuur Aadan oo la tartantay ay heshay 8 cod.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here