Wararka naga soo gaaraya gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay xabsiga loo taxaabay ciidamo ka tirsanaa maamulka puntland kuwaasi oo sameeyay fal aan wanaagsaneyn.
Askartaan ayaa waxa lagu xiray magaalada boosaaso iyadoona sababta loo xiray lagu sheegay in ay tahay in ay rasaas ku fureen dad shacab ah
Taliska ciidanka booliska magalaada boosaaso ayaana waxa uu sheegay in aysan aqba;layn fal kasta oo qalqalgalin kara amniga iyo xasiloonida
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari, G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in sigida amaanka waqti badan iyo maalba lagu bixiyay si fududna aan lagu yeelayn in lagu burburiyo
taliyaha waxa uu xusay in amaanka magaalada uu aad u fiicanyahay islamarkaasna ay ku dadaalayaan xaqiijintiisa

