Guddiga Xalinta Khiliaafaadka Oo Maanta Gaaraya Magaalada Baydhabo

0
Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Koonfur Galbeed.
Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Baydhabo oo ka kooban 6 xubnood ayaa goobjoog unoqon doona Doorashada Aqalka sare ee senitorada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo maanta ka bilaabmi doonta magaaladda Baydhabo.
Socdaalka guddiga ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili maanatay magaalada beydhabo ay ka dhaceyso doorshada xubnaha aqalka sare ee laga soo doornayo deegaanada maamulka koonfur galbeed
Guddigaan ayaa waxa ay shaqadiisu tahay in uu xal ka gaaro is qabqabsiyada ka dhasha doorashooyinka socda ee dalka iyagoona tagaya goob walba oo doorshada lagu qabanayo si ay u hubiyaan in wax khilaaf ah ka jiro iyo in kale

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here