Waxaana la filayaa in magaalada beydhabo ee xarunta gobolka bay ay ka bilaabato qeyb kamid ah kuraasta doorashada xildhibaanada aqalka sare ee laga soo dooranayo deegaanada koonfur galbeed
wararka aanu halkaasi ka helayno ayaa waxa ay sheegayaan in maanta diyaar garow xoogan laga dareemayo magalaada beydhabo taasi oo ku aadan doorashada aqalka sare oo ka bilaabanaysa halkaasi.
Amaanka magaalada beydhabo ayaa si aad ah loo adkeyay iyadoona la arkayo ciidamo badan oo sugaya amaanka ,waxaana maamulku uu sheegay in aan la aqbalayn in wax rabshad ah ay ka dhacdo magaalada inta laga qabanayo doorshada
Doorashada maanta lagu qabanayo magaalada beydhabo ayaa waxa ku tartamaya ilaa iyo 10 musharax oo shan ka mid ah la doonayo
maamulka koonfur galbeed ayaa noqonaya maamul goboleedkii labaad oo qabanaya doorashada aqalka sare ,waxaana kaga horeeyay maamulka jubbland oo magaalada kismaayo ku qabtay qaar ka mid ah aqalka sare
8 kursi ayaa maamulka koonfur galbeed deegaanadiisa lagu doonayaa in ay kasoo baxaan si ay aqalka sare ugu matalaan

