Maamulka gobolka hiiraan ayaa waxa dhaleecayn kulul ujeediyay ciidamada nabad ilaalinta ujooga soomaaliya ee Amisom kuwaas oo qaarkooda ku sugan deegaano ka tirsan hirshabeele
Guddoomiyaha gobolka hiiraan cali jeyte cusmaan iyo masuuliyiin kale ayaa waxa ay ka hadleen wax qabad ka ciidamada amisom iyo sida dhabta ay ushaqeeyaan waqti xaadin la joogo iyo mudooyinkii ugu dambeeyay
Gudoomiye cali jeyte ayaa waxa uu sheegay in ciidamada amisom ay gabeen wajibaadkoodii loo egmada iyo wixi laga doonaayay in ay u qabtaan shacabka soomaaliyeed
Waxaana uu intaasi ku daray in aysan jirin wax howlgalo ah oo ay ciidamada amisom sameeyeen xiliyadii ugu dambeeyay isagoona si cad carabka ugu dhuftay in ay diideen amisom in ay kala qeyb qaadaan dagaalka cadawga lagu la jiro ee ka soconaya gobolka hiiraan
Gudoomiye cali jeyte ayaa si gaar ah ugarab istaagay ciidamada dowladdda jabuuti oo uusheegay in ay walallo dhaw yihiin ay ka xun yihiin in iyagoo dab ku jira ay ku fiirsanayaan
tani ayaa imanaaysa xili Muddooyinkii lasoo dhaafay aysan jirin wax dagaal toos ah ama howlgalo ah oo ay fuliyeen ciidamada midowga africa ee amisom
Waxaana lagu eedeenayaa in ay goobo gaar ah oo cayiman ay iska fariisteen ismarkaasna ay dagaalada iyo howlgalada ay fulinayaan ciidamada dowladda oo kaliya

