Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Markale Qaaday Talaabo Uu Ku Xalinayo Arinta Gobolada Waqooyi

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa  mar kale layeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed kuwaasi si aad ah ugu loo lamaya xildhibaanada kasoo jeeda gobolada waqooyi iyo awood qeyb sigooda

Raiisul wasaare rooble ayaa labadaan masuul ka  sugayay ay ka heshiiyaan  khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi oo wali uu isjiid jiid ka jiro.

War qoraalka ah oo kasoo baxay xafiiska raiisul wasaaraha ayaa waxa lagu sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi auu Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay.

Arinta gobolada waqooyi ayaa qeyb ka ah caqabada ugu waaweyn ee saameyn iyo dib u dhaca u horseedikara doorshada iyadoona raiisul wasaaruhu uu ku dadaalayo in khilaafkaasi uu soo afjaro

Doorshada senetarada aqalka sare ayaa ka bilaabatay gudaha dalka iyadoona markii ugu horeysay uu qabtay maamulka jubbland xili maanata laga dhursugayo in uu qabto mamaulka koonfur galbeed soomaaliya

Dhankale doorshada xildhibaanada waqooyi oo lagu qabanayo magalaada muqdisho ayaa wali ah khilaaf jira awgeed dib loo dhigayaan doorashadooda,Waxaana la tilmaamay in ilaa inta laga xalinayo aan la qaban Karin wax doorasha ah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here