Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

0

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare kala duwan oo ka dhacay deegaan khiyaastii 20km u jira deegaanka ceeldheer ee gobolka galgaduud

Dagaalkaan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda kuwa Daraawiishata Maamulka Galmudug oo dhinac ah  iyo dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaan uu yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug oo howlgalo wada ay iska hor imaadeen xubno ka tirsan al-shabaab iyadoona la sheegay in dagaal xoogan uu halkaasi ku dhexmaray kaasi oo khasaare geystay

Dagaalka ahaa mid muddo kooban socday oo hubka nuucyadiisa kala duwan laisku adeegsaday,iyadoona aan wali si rasmi ah oo xaqiijin qasaraha rasmiga ah ee ka dhahsay dagaalkaani

Wali majiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka milatariga dowladda iyo kuwa  maamulka galmudug kaasi oo laga hadlayo khasaaraha ka dhahsay dagaalkaasi

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here