Golahaa Amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa diyaarinaya shir xasaasi oo warbixino loogu dhageysan doono James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna madaxa UNSOM, iyo Francisco Madeira, madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu dhaco bishaan Ogosto,waxaa si weyn diiradda loo saari doonaa Arrimaha Soomaliya sida doorashooyinka, khilaafkii Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda, dagaalka Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Gobolka Mudug, ee Dowladd Goboleedka galmudug, waqti loo kordhiyo Xafiiska UNSOM, iyo AMISOM
Sidoo kale golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa kawada xaajaan doona cusbooneysiinta xafiiska UNSOM, oo ku eg 31ka Ogosto,waxaana suuragal ah in isbadal lagu sameeyo Madaxa UNSOM ee Soomaaliya.
Qoraal lagu daabacay bage-ka Golahaa Amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay haatan ay qaaday wadadii Nabadda kadib markii ay heshiiyeen Dowladda Dhexe iyo maamul Goboleedyadda, kadib khilaafyo soo jiitamayay muddo bilooyin ah.
“Soomaaliya waxay sii wadaysaa geeddi -socodkeeda doorashada, ka dib bilo badan oo khalkhal siyaasadeed oo ku aaddan dhinacyada farsamada iyo abaabulka. Si loo soo afjaro khilaafaadka u dhexeeya dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa isugu yeeray shir wadatashi ah dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah oo la soo gabagabeeyay 27 -kii May. Waxay keentay in ka -qaybgalayaashu ay mar kale ballan -qaadaan hirgelinta Heshiiskii 17 -kii Sebtember 2020 ee qabsoomidda doorashooyinka waxayna xalliyeen dhowr is -afgarad -waa oo farsamo oo ku saabsanaa dhisidda hay’adaha maamulka doorashada, xulashada wakiillada Somaliland, maareynta doorashooyinka gobolka Gedo. Jubaland, iyo qaababka farsamo ee qabashada doorashada”
Inkastoo waqtigii loo qorsheeyay doorashadda Golaha aqalka Sare ee Baarlamaaanka Soomaaliya ay dib kaga dhacday,ayaa loo sababeeyay soo gudbinta Xubnaha Musharixiinta u taagan Kuraasta Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Raisulwasaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa lagu amaanay in uu kaalin wanaagsan uu ku leeyahay qabsoomidda Doorashadda Madaama dhowr jeer oo hore uu Madaxweynayaasha Dowladd Goboleedyadda uu la fadhiistay islamarkaana ay isfaham ay gaareen.
Dhanka kale Golahaa Amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa diiradda saari doono qatarta lagala kulmi karo dhanka Al-shabaab,madaama Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda uu shacabka ugu digay in ay ka qeyb galaan doorashooyinka.
Golaha ayaa warbixintiisa ku dari doona dagaalka ka socda Gobolka Mudug, ee u dhaxeeya Al-shabaab, Ciidamadda galmudug iyo Kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya,wuxuuna golaha sheegay in dagaalkaas guulo laga gaaray,madaama shabaab lagala wareegay beelo fara badan.
Sidoo kale waxaa warbixinta ku jira doonta Duqeymaha uu mareykanka ka fuliyo qeybo kamid ah Soomaaliya,kuwaasi oo lala beegsado dagaalka Shabaab eek u sugan Soomaaliya.
Warbixinta Ogosto ee Golaha uu dhageysan doona waxay ka horeyn doontaa wada xaajoodka UNSOM, oo ku eg 31 Ogosto. Ugu dambayntii waxaa la cusboonaysiiyay 28kii Ogosto 2020 qaraar 2540.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Xafiiska UNSOM uu taageero siiyo Dawladda Federaalka Sida talo istaraatiijiyadeed, xafiisyo wanaagsan, dhisidda awoodda, iyo isku dubaridka taageerada caalamiga ah, oo ay ku jirto doorashooyinka. Hawsha loo xilsaaray ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid dhameystiran .
Ugu dambeynyii Golaha amaanka ayaa diiradda saari doona Howlgalka AMISOM EE Soomaaliya kaasi uu waqti uu ka dhici doono,waxaana la isku khilaafsan yahay in waqti loo kordhiyo in kale.

