Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa saakay waxa ay Howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka bilaabeen Koonfurta Gobolka mudug
Ciidamada ayaa saaka ka ruqaansaday Fariisimo ay ku lahaayeen Deegaanada dhaghaye iyo Hareeri dheere halkaas oo ay Ciidanku ku lahaayeen Saldhigyo Ciidan ,Saraakiisha ayaa sheegay inay saaka Ciidanku wadaan Howlgal ay ku doonqayaan in Al-shabaab ay uga saarayaan deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka mudug
Tani ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xli mudooyinkii dambe ay ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan alshbaab dagaalo u dhexeeya ay dhacayeen deegaanada Bacadweyne,Wisil kuwaas oo dhamaantood Ciidamadda Dawladdu la wareegeen.
waxaana saakay ay howlgalo ugu dhaqaaqeen deegaano cusub oo la sheegay in ay ku suganyihiin xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab

