Warar naga soo gaaraya gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Xalay haweeneey ay ninkeeda oo ay udhaxdo ku dishay xaafad ka tirsan magaalada baladweyne
Ninka la dilay ayaa waxa la sheegay in uu ahaa macalin dugsi qur,aan islamarkaasna ka mid ahaa culumada aadka looga garan ogyahay baladweyne
Cumar macalin maxmuud oo Ah Macalinka ay xaaskiisu xalay dishay ayaa waxa la sheegay in dilkiisu uu salka ku hayo khilaaf in muddo ah soo jiitamayay oo ka dhexeeyay isaga iyo xaaskiisa
Wararka ayaa sheegaya in macalinka iyo gabadha uu dhawaan arooskoodu dhacay islamarkaasna lagu qasbay gabadha inay guursato
Sidookale waxa la sheegay in gabdhu ay macalinka dhowr jeer ka baxsatay balse reerkeedu ay usoo celiyeen
Shalay galinkii dambe aya la sheegay in gabadha oo guriga macalinka ka baxsatay lasoo celiyay kadibna ay adeeg doonatay ,iyadoo oo adeegaas oo horay usoo raacsatay sun
Waxaana xalay abaaro 8;00 fiidnimo ay macalin cashada ugu dartay suntaasi ,sidaas ayuuna ku geeriyooday macalinku
Haweeneyd ninkeeda suntan ku dishay ayaa intaas kadib goobta iskaga baxsatay balse Laamaha amniga gobolka hiiraan ayaa howlgalo ay sameeyeen kadib gacanta kusoo dhigay haweyneydaasi oo wali magaceeda aan la shaacin
Dhacdadaan ayaa waxa ay ka dhacday xaafada xaawo taako ee magaalada baladweyne gobolka hiiraan ,waxaana ay noqotay mid si aad ah looga fajacay

