Puntland Oo Ka Warbixisay Howgalo Muddo Todobaadyo ah Ay Wadeen Ciidanka Daraawiishta Puntland

0

Taliska ciidanka difaaca maamulka puntland ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay howlgalo ciidamada difaaca puntland ay muddo laba asbuuca ha ka wadeen deegaanada buuraleeyda gobolka bari

Howlgaladaan ayaa waxa uu talisku sheegay  in ay ahaayeen kuwa k dhan ah kooxda daacish oo ka dagaalanta qeybo ka mid ah deegaanada dhaca dhanka buuraleeyda

Taliyaha ciidamada difaaca maamulka puntland S/gaas Yaasiin cumar dheere oo warbaahinta ugu warbixiyay howlgaladaasi ayaa waxa uu sheegay in ciidamada maamulka puntland ay guulo dhowr ah ah ka gaareen howlgaladii usbuucyadaan ay wadeen

Waxaana uu sheegay in howlgaladaan inta lagu jiray ay ciidanku tageen magaalooyin ay deganaayeen islamarkaasna ay saldhiyo ka qabsadeen

Taliye yaasiin ayaa intaasi ku daray in howlgalka ay sidookale kusoo qabsadeen hub culus , saanad milatari ,gadiid badan oo ay lahaayeen kooxda daacish

Taliska Ciidanka puntland si rasmi ah uma uusan sheegin tirada khasaaraha ka dhashay howlgalada blasé waxa uu sheegay in qasaare xoogleh uu gaarsiiyay gaarsiiyay maamulka puntland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here