Doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga maamulaya doorashada heer Dowlad goboleed ee maamulka Hirshabeelle ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Xilka guddoomiyaha guddiga doorashada waxaa ku tartamayay Maxamed Xasan Diini iyo Aamino Cabdullaahi Cusmaan, waxaana codeyn dhacday ka dib, guddoomiyaha guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ku guuleystay Axmed Xasan Diini, halka guddoomiye ku-xigeen loo doortay Xalliimo Maxamed Cismaan.
Munaasabadda Doorashada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federal iyo heer maamul Goboleedyada.
arintaan ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili mudooyinkii dambe uu arimo dhowr ah hakad ugu jiray guddiga doorashada maamulka hirshabeele waxaana haatan la filayaan in guddigu uu u guda galo howlaha shaqo ee loo igmaday

