Taliska ciidanka difaaca maamulka puntland ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay howlgalo ciidamada difaaca puntland ay muddo laba asbuuca ha ka wadeen deegaanada buuraleeyda gobolka bari
Howlgaladaan ayaa waxa uu talisku sheegay in ay ahaayeen kuwa k dhan ah kooxda daacish oo ka dagaalanta qeybo ka mid ah deegaanada dhaca dhanka buuraleeyda
Taliyaha ciidamada difaaca maamulka puntland S/gaas Yaasiin cumar dheere oo warbaahinta ugu warbixiyay howlgaladaasi ayaa waxa uu sheegay in ciidamada maamulka puntland ay guulo dhowr ah ah ka gaareen howlgaladii usbuucyadaan ay wadeen
Waxaana uu sheegay in howlgaladaan inta lagu jiray ay ciidanku tageen magaalooyin ay deganaayeen islamarkaasna ay saldhiyo ka qabsadeen
Taliye yaasiin ayaa intaasi ku daray in howlgalka ay sidookale kusoo qabsadeen hub culus , saanad milatari ,gadiid badan oo ay lahaayeen kooxda daacish
Taliska Ciidanka puntland si rasmi ah uma uusan sheegin tirada khasaaraha ka dhashay howlgalada blasé waxa uu sheegay in qasaare xoogleh uu gaarsiiyay gaarsiiyay maamulka puntland

