Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo Safar shaqo ugu Maqnaa Dalka Nigeria gaar ahaan Maamul Goboleedka Kaduna ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweyene Lafta gareen ayaa in muddo ah ku sugnaa dalka Nigeria ,waxaana uu halkaasi kaga qeyb galay mashaariic laga fulinayay gudaha dalkaasi
Waxaana dhankale uu madaxweynuhu intii uu ku sugnaa dalka nigeria uu kulamo la yeeshaymasuuliyiinka maamulka kaduna oo iyagu casuumay ,waxaana ay kawada hadleen siidii labada maamul ay isku dhaafsan lahayeen waxyaabaha lais dheeryahay

