Weerar Madaafiic ah Oo Lagu Qaaday Goob Uu Ku Sugnaa Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka

0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar culus  Xalay lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil sarsare oo katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa mid loo adeegsaday madaafiic waxa lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada buula burde ee gobolka hiiraan

al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarkaan ,waxaana wararka ay ku baahiyaan dhinaca interneetka ay ku sheegteen in xalay  fiidkii weerar loo adeegsaday madaafiic ay  ku qaadeen  guri uu degmada Buula Burde uga sugnaa Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ah taliyaha ciidanka  dowladda Federaalka ah .

ilo deegaanka ah  ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa jugta culus ee madaafiicda lagu weeraray saraakiisha  ciidamada Dowladda Federaal-ka.

al-shabaab aysan sheegin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan balse waxa ay sheegeen in ciidamada dowladda ay qasaare xoogleh ku gaarsiiyeen
Shalay markii degmada Buula Burde ay gaareen saraakiil uu hoggaaminayay taliayaha ciidanka xooga dalka Jeneraal Odawaa yuusuf raage iyadoona maantay ay halkaasi  u tagay daahfur taliska qeybta 27 ee ciidanka xooga dalka loo laga dhigay degmada boola burde

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here