warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro fadaafiic ah oo xalay lagu garaacay meelo u dhaw madaxtooyada villa soomaaliya ee dalka looga arimiyo
dhawaqa jug culus oo madaafiic ah ayaa saacadiihii aan kasoo gudubnay laga maqlay xaafado katirsan magaalada muqdisho ee caasiamada dalka ,waxaana ay ahaayeen madaafiic ku dhacay aggagaarka madaxtooyada villa soomaaliya
madaafiicdaan ayaa waxaa goobaha ay ku dhaceen waxaa ka mid ah hotel Syl iyo hotel munna iyo beerta banada oo dhamaatood ku yaal aggagaarka madaxtooyada
ilaa iyo shan madfac ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhaceen meelo aan sidaasi uga fogeyn xarunta madaxtooyada villa soomaaliya ee muqdisho
macada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicda xalay lagu garaacay goobo ka agdhaw madaxtooyada dalka
majirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyada weearkaan madaaciifcada ah laamaha amniga dowladduna wali kama aysan hadlin

