Dagaal Beeleed Khasaare Badan Geeystay Oo In ka Badan Saddax Cisho Ka Soconaya Gobolka Gedo

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaara kala duwan dhaliyay oo ka dhacay degmada doolow ee gobolka gedo

Warar aan ka heleyno dooloow ayaana sheegay in dagaalkaan uu yahay mid udhexeeya laba maleeshiya beelood oo wada daga degmadaasi doolow ,waxaana dadka deegaanku noosheegeen in dagaalkaan uu soo bilowday 10 cisho ka hor ilaayo haatana uu socdo

Sadax cisho ee ugu dambeeysay ayuu daagaalku xoogeuystay islamarkaasna la sheegay in qasaaraha ugu badan in uu ka dhashay

Waxaana lagu soo waramayaan in qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac in uu ka dhashay dagaal beeleedkaan ka bilowday degmada dooloow

Inta la xaqiijiayay 8 qof ayaa ku dhimatay dagaalkaan tiro intaasi ka badan oo toban iyo dhowr gaarayana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleedkaani

Kornal Aadan Axmed Cabdi Oo ku sugan gudaha degmada doolow ayaa warqabadka idaacada simba u sheegay in dagaalkaan uu yahay mid aad looga xumaado oo dad walaalo ah ay dhiig badan iskaga daadiyeen

Dhankale waxa uu tilmamaay in maamulka degmada iyo kan gobolkuba ay ka gaabiyeen in ay kala dhexgalaan labada beelood islamarkaasna waxa uu ku eedeeyay maamulka in ay gabeen masuuliyadii loo igmaday

Waxaana uu intaasi raaciayay inaysan jirin cid ilaayo hada isku xilqaatan in ay kala dhexgasho labada beelood dagaalkoodu dhowrka bari kasoconayo degmada dowlow ee gobolka gedo

Dhnakale wasiirka amniga jubbaland  genaraal yuusuf xuseen cusmaan oo shir ja,raid ku qabtay magaalada kismaayo ayaa waxa uu ugu baaqay labada beelood ee ku dagaalamaya doolow in ay joojiyaan dagaalka oo waxkasta at ku dhameeyaan wada hadal

 

Inta badan gobolada dalka wax aka dhaca dagaalbeeleed iyo udhexeya maleeshiyo kala taabacsan qaar ka mid ah beelaha walalaha ah ee wada daga halkaasi iyadoo aysan jirin wax talaabo ah oo dowladdu u qaaday dagaaladaan iyo joojinta in ay soo laablaabtaanba

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here