Raiisul wasaaraha xukumada federalka soomalia ayaa kulamo kala duwan ka wada gobolka gedo kulamadaasi oo ku aadan arimaha doorashooyinka dalka Waxaa uu si rasmi ah raiisul wasaaruhu kulamadaan kaga bilaabay Magalada garbahaarey ee Xarunta gobalka gedo .
Raiisul wasaare rooble ayaa kulamadii ugu danbeeyey waxa uu la qaatay Wargaradka ,Ugaasyada Beelaha, Siyaasiyiinta iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada .
Afayaheenka Xukumada Soomaliya Maxamed Ibraahim Macalimow oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulamada uu raisul wasaaruhu ka wado gobolka gedo ay yihiin kuwo udub dhaxaad u ah dedaalada dib u heshiisiinta gobalka gedo.
Dhinaca kale Waxgaradka iyo odeyasha Dhaqanka ayaa Raiaul wasaare rooble uga mahadceliyey dadaalada uu ku bixinayo in dib u heshiis dhab ah ay ka hir gasho gedo ka hor doorashada .
Gobalka gedo ayaa waxa uu ka mid yahay meelaha khilaafkoodu uu hareeyey doorashooyinka dalka ka dhacaya iyda oo ay ku kala aragti duwnaayeen Madaxweenaha Mudo xileedkiisa dhamaaday iyo hogaanka jubaland taasi oo keentay in Qilaafka doorashada uu Soo jiitamo ilaa iyo Xiligaan .

