Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ku Wajahan  Gobolka Gedo

0

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo raiisul wasaare maxamed xuseen rooble ayaa waxa saacadaha soo aadan la filayaa in ay gaaraan magaalada garbahaareey ee xarunta gobolka gedo

Wararka aan ka helayno gobolka gedo ayaana kusoo waramaya in haatan uu gobolka ka socoto qabanqaabada soo dhaweynta  ra’iisul wasaaraha iyadoona ay iska kaashanayaan soodhaweyntaani maamulka gobolka iyo shacabka ku dhaqan gobolkaasi gedo

Ujeedka uu daaranyahay socdaalka uu raiisul wasaaruhu ku tagayo gobolka gedo ayaa waxa uu quseeyaa arimaha doorashooyinka iyo xalinta tabashooyinka ay qabaan dad reer gedo

Hogaamiyaasha gobolka gedo iyo odayaasha dhaqanka ayaa waxa la filayaan in raiisul wsaaraha ay la fariistaan  islamarkaasna ay ugudbiyaan cabashada ay ka qabaan maamulka jubbaland  oo uu hogaamiyo madaxweyne axmed maxamed islaam madoobe

Ugu danbeeyn raiisul wasaaraha iyo dadka reer gedo ayaa la filyaa in hadii Isfahan la gaariwaayo in laisla meeldhigo qaabka ugu macaquulsan oo gobolka gedo doorasho looga qabankaro

Raiisul wasaare rooble ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalada lagu hirgalinayo arimaha doorashada

Waxaana haatan uu qaaday mid ka mid ah taalaabooyin hadii ay u hirgasho noqonaysa in uu qaaday daarweyn oo ku oodnaa doorashada

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here